Xudur (INO)—Taliyaha Ciidamada Dawlada ee Gobolka Bakool Korneel Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Timacadde oo la hdlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladaha guud Magalooyinka Xudur, Wajid iyo kuwa kale oo ka tirsan Gobolka Bakool
Col. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Timacadde, Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in amaanka ee Magaalooyinka ka tirsan Gobolka ay yihiin kuwa wanaagsan islamarkaana la isku haleen karo, isagoona qeexay in amaanka Magaalooyinkaasi ay sugaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Korneelka ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Shacabka ay qeyb lixaad leh ka qaataan nabad ku soo dabaalida Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey howlgallo ka sameeynayeen Magaalooyin ka tirsan Gobolka Bakool kaasi oo lagu xaqiijinayay amaanka Gobolkaasi.
Idale News Online, Xudur