Dhageyso: Al Shabaab oo amaro duldhigay Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose

0
174

Muqdisho (INO)—Xarakada Al Shabaab oo Shalay la wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa amaro duldhigay Shacabka ku dhaqan Magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo kula hadlayay boqolaal ka mid ah Shacabka ayaa sheegay in Magaalada aan lagu arki karin Maleeshiyaad hub ku dhexwata.

Saraakiishan oo sii hadlayay ayaa sheegay in la dili doono, cidkasta oo Dil ka geysta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Magaalada Marka ayaa hadda waxaa gacanta ku haya Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kadib markii halkaasi ay Shalay isaga baxeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here