Dowlada UK o mar kale marti gelineyso shirweyne looga hadlayo Soomaaliya

0
212

London(INO)-Shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 7-da bisha May ee sanadkaan 2016 uu ka dhaco magaalada London ee caasimada Britain.

Warkaan waxaa xaqiijiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iminka ku sugan magaalada London isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulan maanta dhax maray Ra’isulwasaaraha Britain, David Cameron iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga hadlay ayaa looga hadlay arrimaha kulankaasi oo ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan labadan mas,uul.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkan uu kaga duwanyahay kii 2013-ki ee London in ay Soomaaliya leedahay halka kii hore uu ahaa mid ay London laheyd.

Sida uu sheegay madaxweynaha oo la hadlay BBC-da qeybteeda Af Soomaaliga, Shirkani waxaa looga hadlayaa waxyaabaha dag dagga ah ee ay Soomaaliya u baahantahay si ay dag dag ugu istaagto.

Shirkan ayaa noqon doona kan ugu danbeeyo ee madaxweyne Xasan Sheekh uga qeybgalo London maxaa yeelay sadex bil kadib shirka London waxa uu ka dagayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu soo hayey tan iyo sanadki 2012-kı.

Idale News Online, London

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here