Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waxaa lagu qabtay Tababar oo ay ka Soo qayb galeen ururada bulshad arayidka ah, Dowlada KGS, bahwaynta waxbarashada jecel.
Ujeedada Tababarkan ayaa ahayd furtaanka mashruuc cusub oo loogu tala galay in kor loogu qaado waxbarashada gabdhaha Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka haray waxbarashada iyoi n loo sameeyo xirfado ay ku shaqaystaan.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Caziiza Maxamed Nuur oo ka mid ahayd madaxkii kadashay furitaan Tababarkaasi ayaa sheegday in uu yahay mashruucaani mid leh muhiimad gaar ah maadaama diirada lagu saaraayo waxbarashda gabdhaha KGS,gabdhuhuna ay yihiin lafdhabarta bulshada qaybaheeda kala duwan.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegday in loo baahnayaha gabdhaha in laga soo saaro guryaha laguna dhiiri galiyo inay siiwataan waxbarashadooda ilaa ay ka gaarayaan heer.
Halkan Ka Dhageyso Codga Agaasimaha
Caziiza, ayaa sidoo kale sheegday in loo baahan yahay in lagu dadaalo waxbaridda gabdhaha xilliyada ay joogaan guriga iyo in wacyi galin joogto ah loo sameeyo si aysan uga hadhin waxbarashada caadiya ah Agaasimaha Wasaaradda Warbrashada KGS ayaa sidoo kale kula dardaarantey walidiinta koonfur Galbeed Soomaaliya inay waxbarashada u simaan il mahooda oo aysan kala hor marin gabdho iyo wiilal.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Axmed Isaaq
Axmed Isaaq Oo Ka Mid ah Qurbo Joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soo abaabuley mashruucaani wuxuu ka war bixiyey u jeedada iyo muhiimada uu leeyahay mashruucaaniisagoona xusay inay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada gabdhaha iyo in loo sameeyo xirfado ay mustaqbalkooda ku shaqaysan karaan bulshada wax ugu qaban karaan ka dib marka ay waxbartaan Axmed Isaaq ayaa sidoo kal sheegay in gabdhaha ay wax bari doonaan ay yihiin gabdhiha ka haray waxbarashada.
Axmed Isaaq ayaa sheegay in waxyaabaha ugu wayn ee ay awooda saarayaan ay tahay sidii ay gabdhaha ka haray waxbarashda ay ugu heli lhaayeen Deeq Warbarasho gabdhahaasi oo ah kuwa qoysaskoodu yihiin danyarta .
Mashruucaan cusub ee ay maanta Fureen Qurbojooga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu fursad siinayaa gabdhaha ka haray waxbarashad uga haray siyaabo kala gadaisan sida in la Guursaday inay iska bixin wayday lacagtii iskuulka amaba ay jiraan caqabado kala gadisan oo ku khasbay gabdhahaasi inay sii wadi waayaan waxbarashadoodii .
Ugu dambeyntii,tan iyo markii ay meesha ka baxday JDS waxa iyana meesha kala baxay guud ahaanba adeeg yadii arrimaha bulshada oo ay ugu horreeyaan waxbarashad iyo caafimaadka balse waxaa muuqanaysay muddooyinkii danbe in horumar ballaaran laga samaynayay koru qaadida waxbarashada iyadoona ay arrintaasi ka qayb qaadanayaan ururada aan dowliga ahayn iyo Qurbo Joogta soomaaliyeed ee ka shaqeeya gudaha Dalka soomaaliya.
Wariye Cali Ilyaas Idale News Online, Baydhabo