Muqdisho(INO)— Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ayaa ku dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo madaafiicdan ay sababeen khasaare kala duwan.
Halkan Ka Dhageyso
Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen agagaarka Dugsigii 15 May ee ku dhow Madaxtooyada iyo goobo kale oo ka tirsan degmada Wardhiigley.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhowr qaraxyo oo ahaa hoobiyeyaal ku soo dhacay xaafadaha, iyadoo illaa hada la xaqiijiyay in saddex ruux ku dhaawacmeen.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Wardhiigley ayaa sheegay oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in lix ruux ay ku dhaawacmeen, halka wiil kale oo yar ahaa uu ku dhintay madaafiicda.
“Dhowr Hoobiyeyaal ayaa ku soo dhacay xaafadaha, gaar ahaan agagaarka fifteen May, lix ruux dhaawac ah, wiil saqiir ahna waa dhintay, hada waxaa joognaa meeshii madaafiicda laga soo tuuray oo ah agagaarka xaruntii Neeshinka iyo xertii Sheekh Aadan Dheere ee ku dhow Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Guddoomiye C/rashiid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda, iyadoo horaantii bishii hore ee Janaayo sidan oo kale madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac ugu soo dhaceen agagaarka Madaxtooyada.
Idale News Online, Muqdisho