Dhageyso:Maxaa Laga Filan Karaa Shirarka Hada Ka socda Muqdisho & Dadaalka Beesha Caalamka

0
253

Muqdisho(INO)- Shalay galinkii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirkii madashada wadatashiga ee madaxda Soomaalida oo iskugu jira kuwa dawladda federaalka iyo madaxda kale ee dawladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

Shirkaas oo ah wajigii afaraad ee madaxda Somalida iskugu timaado lana xirira madasha wadatasha ayaa inta badan aan lagu meelayn guulo la taaban karo iyo qodobo wax-ku-ool ah marka laga hadlayo higsiga arrimaha doorashada.

Shirkii kan ka horeeyey ee Kismaayo waa lagu kala dareeray si natiijo la’aan ah kadib markii la isku mariwaayey qodobadii gundhigga u ahaa shirka ee qaabka xulidda aqallada baarlamaank

Haddaba shir haatan ee Muqdisho oo laftigiisa duba laga dareemay kala tagganaan madaxda Soomaalida ah maxaa laga fili karaa? maxaase la gudboon madaxda Soomaalida ee shirkaasi ka qaybgalaya si loo gaaro halka hayaanka lagu yahay? su’aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaan wyadiinnay Cabdi Cali Tooxow oo bartay cilmiga hormarinta bulsh, kana faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here