Raaxole(INO)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya ka geysteen deegaanka Raaxoole ee degmada Diinsoor.
Duqeyntan ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lala beegsaday fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen halkaas.
Hase ahaatee gantaaladii ay diyaaradaha tuureen ayaa noqday kuwa aan qarxin, sida ay sheegeen masuuliyiinta DF ugu magacaaban deegaankaas Raaxoole.
Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn kale oo isla deegaankaas loogu geystay AlShabaab ay gaysteen qasaaro aan la ogeyn inta uu la egyahay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Raaxole