Daawo:Wararkii u dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Maqaaxida Liido ee Muqdisho

0
179

Muqdisho ( INO)-Inkabadan 20 qof ayaa ugu yaraan ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Al Shabaab xalay ay ku qaadeen Baarka Liido Sea Food.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo gaba gabeysay weerarkii nawaaxiga xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Cumar Max’ed Wasiirka Amniga ayaa sheegay in weerar  sarkaalkii hoggaaminayay ay gacanta ku hayaan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkii xalay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Ciise.

Sidoo akle wariye Max’ed Ibraahim Macallimuu ayaa ka mid ah dadka weerarkaas ku dhaawacmay kaas oo ah Agaasimaha bariga iyo bartamaha Somali Cable.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo badbaaday weerarkii xalay ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan ee ka dhashay weerarka uu aha dhaawacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyay weerarkaas.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaas ayaa sheegay in ay khasaaro ku gaarsiiyeen saraakiil iyo Masuuliyiin.

IMG_4294 IMG_4283 IMG_4286 IMG_4296 IMG_4299 IMG_4303 IMG_4279 IMG_4281 IMG_4301 IMG_4297 IMG_4276 IMG_4268 IMG_4267 IMG_4263 IMG_4250 IMG_4243 IMG_4245

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here