Baghad(INO)— Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa xaqiijisay in tiro muwaadiniin Mareykan ah la afduubtay, kuwaasoo aan la ogeyn meel jaan iyo cirib la geeyay.
Waaxda Arrimaha Dibadda Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Ciraaq ay ka wada shaqeynayaan sidii muwaadiniinta maqan loo heli lahaa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tirada dadka la afduubtay ay yihiin saddex muwaadin Mareykan ah iyo Turjubaan Ciraaqi ah oo lagu qafaashay koofurta magaalada Baqdaad.
Mareykanka ayaan soo bandhigin tirada muwaadiniinta la la’yahay, hase ahaatee ciidamada Ciraaq iyo kuwa Mareykanka ayaa baadigoob ka wada halka lagu waayay muwaadiniintaas.
Tiro muwaadiniin reer galbeed ah ayaa lagu afduubtay Ciraaq sanadihii u dambeeyay, kuwaasoo qaarkood u gacan galay kooxo islaamiyiin ah, waxaana jiray la heystayaal la dilay.
Kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka ayaa horay u qafaalatay ajaaniib fara badan ah, kuwaasoo ay badankood gowraceen.
Ma jirto illaa iyo hada koox sheegatay inay afduubatay muwaadiniinta Mareykanka ee lagu waayay magaalada Baqdaad.
Idale News Online, Baghad