Kismaayo (INO) – Shirkii Kismaayo ayaa soo dhamaaday iyadoo wax go’aan ah uusan ka soo bixin , Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood ayaa goor dhoweyto Kismaayo ka duulay.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo weriyayaasha la hadlay , waxaa uu cadeeyey kala aragti duwanaanta shirka ka jirtay , isla markaasina waxaa uu sheegay in loo ballamay shir kale oo Muqdisho ka dhici doona.
Waa markii labaad oo Madaxda dalku ay isku fahmi waayaan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlimaanka , iyadoo doorashadii bilo ka harsan yihiin.
Idale News Kismaayo.