Baydhabo(INO)-Kulanka amaanka looga hadlayey oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay waxaa wada qaatay Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom Maamulka Gobalka Bay iyop kan Degmada Baydhabo Waxaana inta badan shirka lagu lafa guray amaanka Deegaanada Konfur Galbeed gaa ahaan Magalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
waxaana kulanka ugu horeyn ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali (Watiin) asagoo u mahadceliyey ciidamada AMISOM doorka ay ka qateen amaanka Magalada Baydhabo.
Waxaa sidoo kale kulanka ka hadalay Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafin KG ayaa asaguna ku mahad celiyey Ciidanka AMISOM sida ay uga qeybqaateen amaanka KG gaar ahaan amniga Magalada Xarunta KMG u ah Konfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo