Dhageyso:Shirka Kismaayo oo wali la isku mari la’yahay iyo xubno ka socda Beesha Caalamka oo ku biiray

0
343

Kismaayo(INO)— Shirka Kismaayo ka socda ayaa wali wax natiijo ah laga gaari la’yahay, iyadoo Madaxda Soomaalida ay isku mari la’yihiin labo qodob oo ku saabsan qaabka wadada loo marayo doorasho dalka ka dhacda, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta.

Ergooyin ka socda Beesha Caalamka ayaa shalay gelinkii dambe ku biiray shirarka u socda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada oo wali wax go’aan ah gaari la’

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ee tagay Kismaayo ay ka dalbadeen Madaxda Soomaalida in aanay kala tagin illaa aysan ka gaarin go’aan ay ku mideysan yihiin, waxaana shalay mar lagu sigtay in Kismaayo lagu soo kala tago.

Kulamo gaar gaar ahaa ayaa shalay illaa xalay u socday Afarta Madaxweyne ee Maamul goboleed oo ay wehliyaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana mar walba adkeyd in la isku raaco war murtiyeed loo dhan yahay oo shirka ka soo baxa.

Qodobada qaar ee la isku diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah in Aqalka sare lagu soo xulo qaabka 4.5, halka kan Baarlamaankana lagu soo xulo hab deegaan, waxaana tala soo jeedintaas qaba Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo isku mowqif ah.

Sidoo kale Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilada kale ee matalaya maamulada aan dhismin ayaa iyana qaba in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Baarlamaanka Federaalka.

Goor sii horeysay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Madaxda qaar ay soo jeediyeen in la sameeyo muddo kororsi, hadii dib loogu laabanayo 4.5, isla markaana Baarlamaanka hada jira loo kordhiyo, si Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne u soo doortaan.

Hase ahaatee waxaa taas ka biya diiday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku adkeysanaya in aan jiri karin wax muddo kororsi ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda ay haatan ka soo dabceen sidii hore, ayna u badan tahay in saacadaha soo socda go’aan la gaaro, waxaana xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Kismaayo ay cadaadis ku saarayaan Madaxda Soomaalida inay gaaraan go’aan kama dambeys ah oo dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin.

Shirar kale ayaa la filayaa in maanta oo Axad ah la isugu yimaado, si loo guda galo waxyaabaha dhiman, isla markaana loo gaaro heshiis rasmi ah.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here