DEG DEG: Shirkii Hiigsiga Kismaayo Oo Markii Afaraad Baaqadey

0
214

Kismaayo(INO)- Waxaa maanta markii afraad dib udhacay furitaanka shirkii madasha wada tashiga qaran.Wasiirka warfaafinta Jubba  Cabdinuur ayaa warbaahinta Idale News Online  u xaqiijiyay in shirkii baaqday barina uu furmi doono hadii Allah idmo.

Lama garanayo sababta baajisay shirka mar hadii madaxweynihii la sugayay soo gaadhay Kismaayo.Saadaalnews waxay ogtahay inuu jiro kala aragti duwanaansho u dhaxaysa madaxda oo ku aadan nooca doorasho ee la qaadanayo.

Waxaan ku guda jirnaa xog aruurin waxaana dhawaan soo daabici doonaa xogta ugu dambeysa iyo qaabka loo kala fadhiyo iyo sababta maanta shirka baajisay.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here