Daawo: Madaxweynaha Soomaaliya OO Gaarey Magaalada Kismaayo

0
203

Kismaayo(INO)Madaxweynaha dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray Maanta magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

Madaxwaynaha waxaa Safarkiisa ku waheliyay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Cabdraxmaan Odawaa,waxaana markii ay soo gareen Garoonka ku soo dhaweeyayMadaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland , Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland  Ciidamada Jubbaland Xildhibaano kawada Tirsan Jubbaland iyo Dowlada Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Salaan sharaf  ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoga Dalka Soomaaliya, Madaxwaynha oo Warbaahinta kula hadlay Hoolka Nasashada Eraboorka ayaa Raaligalin ka bixiyay Dib u dhaca ku yimid Shirka Madasha Wadatashiga.

Madaxwaynaha ayaa intaas ka dib waxaa loogudbiyay Guriga Martida Jubbaland oo lagu Magacaabo Daawad,waxayna Masuuliyiinta Saxafada u shegeen in uu Shirka Qabsomaayo Maalinta Bari

Hooska Daawo Sawirada

DSC_0191 DSC_0192 DSC_0201 DSC_0196 DSC_0195 DSC_0216 DSC_0217 DSC_0220 DSC_0214 DSC_0207 DSC_0203 DSC_0223 DSC_0222 DSC_0221

DSC_0231 DSC_0229

 

Idale News Online, Kismaayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here