Garowe(INO)- Taliye kuxigeenka ciidamada booliska DF Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kusugan deegaanka Carmo ee maamulka Puntland, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha booliska.
Col Afrax ayaa salaan ka gudoomay ciidamada booliska deegaanka Carmo kusugan, isagoo dhanka kale kulamo la qaatay taliyaasha booliska ee Puntland.
Mukhtaar Afrax ayaa sheegay in taliska booliska Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan sidii loo mideyn lahaa ciidamada maamulada iyo kuwa dowlada dhexe.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Garowe