Dhageyso: Mudane Ka Tirsan Baarlamanka KGS Oo Ka Hadley Howlaha Laga Sugayo Baarlamanka

0
333

Baydhabo(INO)- Mudane Ka tirsan Baaralamaka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Isla  markaana Ka soojeeda Gobolka Shabellaha Hoose oo wareysi Siinayey Idale News Online ayaa ka hadley howlaha laga sugaayo Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Baaq uu u direy Qurbo joogta Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

baarlamanka KGS

Xildhibaan Abiib ayaa sheegey in 19th January 2016 la caleemi saari doono Gudoonka Sare Ee  Baarlamaka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo labadiisa ku Xigeen isla markana waxa uu intaa raacey in Caleemo saarka ay soo qiib gali doonaan Madaxda Dowalda Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasada QM, Ee Soomaaliya Ee UNSOM iyo Dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada Ka Jira Ee Soomaaliya.

Xidlhibaanka ayaa intaa raacey, in Baarlamanka Dowlada Soomaaliya uu u guuri doono Mustaqbalka dhow Magaalada Madaxda Degmada Baraaawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose, markii la diyaariyo Xaruntii ay fadhiisan lahaayeen Mudanayaasha, isla markaana la dhiso Garoonka iyo Weliba Dekadda Magaalada  Baraawe.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Abiib ayaa baaq dheer u direy Qurbo joogta Degaanada KGS ee Ku Nool 5 qaaradood ee aduunka inay wax soo taraan Degaanadooda kana qiib qaataan Horumarinta ayna isla dayaan Dacaayadaha mararka qaar ay wadaan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here