Dhageyso: Taliska Ciidanka Q.60aad Ee DFS Oo Amaro ku Soo Rugey Ciidamadii Hore iyo Kuwii Dambe

0
334

Baydhabo(INO)-  Taliska Ciidanka Dowlada Federalka Soomaaliya ee Qeybta 60aad Ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa Maanta amaro ku soo rugey Ciidamada istaafyada ah iyo kuwo Dhex jooga Magaalada Baydhabo oo ka tirsan Taliska Qeybta 6aada  inay ku soo Xaroodaaan Xerooyinkooda.

ciidanka KGS

Col. C/wahaab Yuusuf Maxamed oo ah taliyaha Loojistikada Taliska Ciidanka Dowlada Soomaaliya Ee Qeybta 6aad ayaa warbaahinta u sheegey  Idale News Online in ay doonayan in u hubeyn iyo  dib howlgin ay ka sameynayaan Ciidankani.

“Ciidamada Qeybta 60aad waxa looga tala galey waa Difaac, ma ahan inay ahaadaan waardiyo, ka dib markii ciidamo badan oo daraawiishta Koonfur galbeed Soomaaliya ah ay ka soo baxeen Tababaro, waxaan go’aansaney in ciidamada DFS ee istaafyada ka ah Wasiiradad, Xildhibaanada iyo Meelaha kale ayaan u baahney in aynu Xareyno, kuwo daraawiishata ah ayaa ku filan shaqadda ay qaban jireen Ciidanka Qeybta 60aad ee Soomaaliya” ayuu yiri Col. C/wahaab.

Dhina kale  waxa kale uu beeniyey Ciidamo ka tirsan Gaaska Qeybta 60aad Ee Soomaaliya ay wareegayaan Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay, isagoona xusey In ciidanka ay yihiin kuwo looga talla galey Difaaca Degaanada Dowlada  Federalka soomaaliya ay ka taliso.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here