Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay Dilkii loo geystey, Ustaad Maxamed Cadow Hilowle oo Habeenkii Xale lagu diley Hoygiisa ku yaalla Xafaadda Model ee Magaalada Baydhabo.
Wasiirka hub ka dhigista dhaqan celinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed oo wareysiyey Shabakada Idale News Online ayaa tacsiyo tiiraanyo leh u direy eheladii , Qaraabadii iyo Asxaabtii ka geeriyoodey Al-khadiib Ustaad Maxamed Cadow Hilowle oo gacanta ka gardaran ku dishey Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Wasiir xasan eelaay aya sheegey in markii dhacdas ay dhacey ay gaareen halkaasi ciidamo ka tirsan Kuwo nabad sugida iyo Booliska ah isla markaana Halkaas ay ka sameeyeen Baaritaano Xoogan, Waxa uu intaa raacey in la baari doono kooxda ka dambeyso dilkiisa isla markaana la horkeeni doono cadaalada.
Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwo Nabad sugida ayaa Howlgalo adag ka sameeyey Gudaha Baydhabo Maalintii shaley, ka dib markii dil loo geystey Ustaad Maxamed Cadow Hillowle.
Ugu damebyntii, Ilaa iyo haantan cid si gaar ah ay u sheegatey ma jirto Dilkiisa, ama lo soo qabtey dilkii Ustaadka, wallow kooxda Al-shabaab inta ay fuliso Dilal la mid ah midkan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo