Rabdhuure(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka deyriyay Xaalada nololeed shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Bakool, kuwaasi oo hada ka muuqata daroofooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.
Cumar Cali Balash oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Bakool haatan ay wajahayaan xaalado dhanka bini-adanimada ah,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka qaar ay barakaceen markii ay ku adkaatay Helida Biyo nadiif ah iyo cuno ku filan.
Deegaanada Hada laga deyrinayo waxaa ka mid ah Rabdhuure oo ka mid ah Gobolka Bakool,waxaana la sheegaa in dad badan aysan ku dhaqneyn deegaankaasi,islamarkaana dadka badi xaalad bini-adanimo oo soo wajahday uga barakaceen.
Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaan Cumar Cali Balasha ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka iyo Hay’adaha samafalka in sida ugu dhaqsiyaha badan u gaaraan deegaanada Gobolka Bakool si loo badbaadiyo nolosha dadka heysata Xaalada bini-adanimo.
Idale News Online, Rabdhuure