Xudur(INO)- iyadoo Xiisado ay taagan tahay Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool , isla markaana la doonaayo in halkaas ay gaaraan Wasiiro, Xildhibaano DFS ka socoda iyo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliy, ayaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxa Gaarey Wufuud kala Gedisan isla markaana ka kala Socodaan DFS iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada KGS.
Wefdi ay kala Hogaaminayaan Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuue(Sheekh Aadan Madoobe) iyo Wasiirka Maaliyadda KGS Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur ayaa Gaarey Degmadaas iyadoona lagu wado in ay Gaaraan Degmada Ceelberde halkaasi oo dhawaan Looga dhawaaqey Maamul la sheegey inuu ka madaxbaan yahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Cali Balash oo ka mid ah Xildhibaanada HalkaasI Gaarey oo wareysi Gaar ah siyey Shabakadda Warbaahinta Idale News Online,ayaa sheegey in laga wada shiray Qaabkii loo tagi lahaa iyadoona uu sheegey in Shacabka Degmada Ceelberde ay soo dalbanayaan Imaatinka Wasiiradda iyo Xidhibaanadda, waxa uu meesha ka saarey in aysan Jirin Maamul halkaasi ka dhisan.
“ horey waxa halkaas Qalalaase siyaasadeed ugu abuureen Xildhibaano ka tirsan BFS oo aysan u dhalan Degaanka, oo ay soojeedaan Waamo, Puntland iyo Kismaayo, Shacabkaasi waxay ka tirsan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliiya, waxaan tageyna Ceelberde, Aato, Qoracjoome, Yeed iyo Rabdhuure” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cali Balash.
Ugu dambeyntii, Magaalada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa la sheegey in ciidamo tiro badan oo isugu jira AMISOM iyo Kuwa Daraawiishta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo aad u abaabulan ay Buuxdhaafiyeen Magaaladaasi kuwaasoo ay galbin doonaan Wefdiga.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga
Idale News Online, Xudur