Daawo: Waxqabadka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee Dowlada KGS

0
259

Baydhabo(INO)- Wasaarada Haweenka Qoyska iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha e Ee Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa soo bandhigtey Waxqabadoodka Mudadii ay jirtey.

Wasiir ku xigeenka wasaarada marwo Binti Ibraahim cali Ayaa waxay tan iyo xiligi xilka wasaarada loo dhiibay waxay dadaal dheer ugu jirtay gudashada waajibaadka xilka ay u qaaday umada soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir  Binti waxay kulamo kala duwan laqaadatay Guud ahaan Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ku dhaqan Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay oo ay wasaaradu si KMG ah ugu shaqeeyso wadatashi badan kadib.

Waxqabadka Wasaaradda

  • Wasaaradda  waxay kulamo iyo shirar muhhiima uga qeeb gashay muqdisho oo lagu soo bandhigayay hindise sharciyeedka xeer ka jinsiga Ee Soomaaliya.
  • Wasaaradda haweenka Iyo Xaquuqul insaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo waxay qiib Lixaad ka qaadatey Nabadeynta Beelo walaalo ah oo Dagaalamey Gobolka Shabellaha Hoose.
  • Wasaarada ayaa la kulantay Marwada Madaxweynaha  dalka Soomaaliya halkaasoo looga falanqooday waxqabadka wasaarada, baahiyaha haweenka, iyo horumarka macquulka ah ee mustaqbalka dhow loo jeexi karo.
  • Wasaarada  Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Sheegtey Bishii hore in dib u eegis ku samayneyso baahiyaha haweenka KGS soo gudbiyeen, oo ku wajahan horumarinta barnaamiyada haweenka.
  • Wasaarada Haweenka  ayaa la kulantay wufuud kala duwan oo danayeena arimaha Haweenka iyo Daryeelka Caruurta.
  • Wasaaradu waxay soo aruurisey Kiisas Kufsi ah oo loo geystey Gabadhaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona digiino adag ka Bixisey arintaasi
  • Wasaarada Haweenka Waxay Qabatey 1st – 12th  Decmber 2015 tababar ku saabsana  ka hortaga kufsiga caruurta yar yar, haweenka iyo tacadiga guud iyo habkii looga hortagi lahaa.
1.  Halkan Riix: Wasaaradda Haweenka KGS Oo Ku Baaqdey In Haweenka Laga Qiib Galiyo Siyaadda iyo Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

2. Halkan Dhageyso:Wasiir Binti Ibraahim Oo Ugu Baaqdey Odayaasha Xulaya Baarlamanka KGS Inay Muujiyaan Kaalinta Haweenka

3. Halkan Riix: Wasiir Binti Ibraahim Cali “Waxa Laabteena gubaya Haweenka Aan Waxba Haysan Oo Hadana Caruur Korinaya

4. Halkan Ka Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka Ee Dowladda KGS Oo Gaartey Galkacyo

5.  Halkan Daawo:Wasaaradda Haweenka Ee KGS Oo Kulan La Qaadatey Wasiiro Ka Tirsan Gal-Mudug, Booqateyna Xiryaha Ay Degan yihiin Barakacyaasha KGS

Ugu dambeeyn wasiirada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  waxay dadaaleysa waxay hada qalabeynta  Xafiisyadii ay ku shaqeeyn lahayd maadama si KMG ah  ay xarun Golobolka Bay ugu shaqeeyso.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here