Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Sheegay In Dhawaan La Kala Diri Doono

0
202

Baydhabo(INO)- Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helany Madaxtootada, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in uu dhawaan kala diro Gollaha wasiirada oo dhisan mudo hal san ah.

Gollaha Wasiirada KG Oo Ansaxey Miisaaniyaa Dowlada

Wasiirada oo gaaraya ilaa in ka badan lexdan (60) wasiir oo magacaabistooda ka dib ay jirin howl ama shaqo ay qabteen marka laga reebo kulamo si kedis ah ay u qaateen oo aan laheyn wax natiija ah oo laga soo saaray ayaa hada lagu howlan yahay sidii shaqada looga fariisan lahaa.

Madaxweyne  Shariif Xasn  Sheekh Aaden oo waqti badan ka lumiyey ama culeys ku haayey dhismaha Baarlamaanka  Dowlada KGS ayaa ka horeysiinaya  in uu kala diro Gollaha Wasiirada Ee Tiradda Badan  islamarkaana uu soo magacaabo Madaxweyne ku xigeenayaal iyo wasiiro tir yar sida uu tilmaamayo warka aan ka helnay Madaxtooyada KGS.

Mala sheegin waqtiga uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne ku xigeenayaasha iyo wasiirada tirada yar ee uu Qorsheenayo Madaxweynha Koonfur Galbeed Soomaaliya, laakiin ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in la filan karo howlahaas oo dhan ilaa 25-ka Janaayo ka hor.

Bilowgii sanadii aynu kasoo gudubnay ayaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden  wuxuu soo dhisay wasiiro, ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal oo intooda badan ay ahaayeen kuwo qurbaha ka yimid mana jirin howlo la taaban karo oo ay ka qabteen Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Dhismaha wasiiradaas ayuu Madaxweyne Shariif Sheekh Aaden  ku sheegay Isbaaro qaad, mana la oga nooca wasiiro ee dhawaan uu ku dhawaaqi doono marba hadii la dhameystiray dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here