Dhageyso: Maleeshiyaadka Beesha Tunni Oo Dagaal Looga Saarey Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
206

Baraawe–(INO)–Dagaal xooggan ayaa Shalley barqo-nimadii waxaa uu ka qarxay degmada Baraawe ee xarunta rasmiga ah ee  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee haatan si KGM u deggan magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey maleeshiyaadka dowladda ee loo yaqaano Miilateriga (Hawiye) iyo ciidamo u dhashay  Beesha Aw Digil isla markaasina ka amarqaato gudoomiyaha Dgmada Baraawe Xuseen Barre.

Dagaalka oo si goos-goos ah uga dhacay Gudaha Baraawe ilaa Shaley casirkii soo gaaray, waxaana xoog lagu maquuniyey ciidamadii Beesha Digil, waxaa magaalada iskaga baxay dhalinyaradii Beesha Shangamaa,Toorre iyo Todobo toll Ee isku abaabulay inay dulmiga iska leexiyaan, waxay maleeshiyaadka dowladda inta uu dagaalka socday gacanta ku soo dhigeen oo ay xabsiga u taxaabeen Taliyaha Nabadsugidda Baraawe oo lagu magacaabo Xasan isla markaasina u dhashay Beesha Tunni.

Wararka Saaka aan ka heleyno Degmada Baraawe ayaa sheegaayo in xaaladda degmada ay degan tahay, waxaa magaalada si toos ah u maamulaayo maleeshiyaadka Dowladda oo ku guuleystay dagaalkii Shalley.

Ciidamada AMISOM ayaa la soo sheegayaa in taliyaha Nabadsugidda ka soo daayeen xabisigii ay dhigeen maleeshiyaadka dowladda ee qaabka beeleed u abaabulnaa. Waxaana Xaley ku hoyadey  xabisga degmada Baraawe tiro Odeyaasha dhaqanka ka tirsan oo ay soo qab-qabteen maleeshiyaadka dowladda kadib markii ay ku guuleysteen dagaalka.

Dagaalka Shaley ka dhacay Degmada Baraawe ayaa bilowday kadib markii nin qab qable Dagaal  ah oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xalane Dhuxulow uu shaley xoog kula wareegay gaari cusub oo uu soo iibsaday nin shacab ah u dhashay Beesha Tunni/Digil.

Ugu dambeyntii, Gaarigii uu dagaalka ka bilowday ayaa ilaa hadda wuxuu ku jiraa gacanta ninkii  shaley afduubtay, mas’uuliyiinta degmada Baraawe ayaa ku xareysan xarunta AMISOM halkaas oo amnigooda lagu sugaayo.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here