Baraawe(INO)- Cabdulaahi Xalane Dhuxulow oo ka mid ahaa qab qablayaashii General Indhacade ayaa mar labaad soo laba kacleeyey ka dib markii gaari uu ku afduubtay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.
Mid ka mid ah waxgaradka Degmadaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Rag ka amar qaadata Cabadulaahi Xalane ay ku hanjabeen in ay gubayaan gariga ilaa ay ka helayaan waxa ay iyga rabaan oo ah in ay maamulaan hey’ad dhawaan halkaasi gaartay.
Waxa ay sheegeen waxgaradka in uu jirin maamul ama wax kale oo Umada ka qabata dhibaatada Cabdulaahi Xalane iyo Ciidankiisa ay ku hayaan Shacabka DegmadaBaraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Dhegeyso