Baydhabo(INO)- Waxaa Goordhow la tiriyey Cododkii Xildhibaanda Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u kala codeyeey labada Musharax ee u taagana Qabashadda Jagada Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaaliya.
Musharax Xidhibaan C/ qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa heley 109 Cod, halka Musharac Cali Xasan Cismman uu Heley 34, isla markaana inta kale ay ka habaabeen, waxaana si rasmi ah loo shaaciyey in Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ku Guuleystey Xildhibaan C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Warkan Waxi ka soo kordho kale Soco Idale News Online,