Baydhabo(INO)- Guddiga Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay socoto qaban qaabada lagu dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada KGS iyo Kuxigeenadiisa.
Guddoomiyaha Guddigaasi Madoobe Nuunoow Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Idale News Online ayaa sheegay in maanta Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur galbeed iyo Kuxigeenadiisa ay Baarlamaanka ka hor jeedin doonaan qudbad ,iyadoo Barina loo balansan yahay in Doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa la doorto.
Ugu dambeyntii, Guddigaan loo xil saaray Dar dar galinta Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Kuxigeenadiisa ayaa ka kooban 13-Xubnood.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Idale News Online, Baydhabo