Daawo:Magaalada Baydhabo Oo Laga Furey Xarun Loogu Tala Galay Dhalinyarada

0
222

Baydhabo(INO)- Wasiirka arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Aadan Sate ayaa xariga ka jaray xarun looga talagalay dhalinyarada ku nool gobolka Bay, xarunta ayaa waxaa dhisay hey’adaha UNHCR iyo DRC.

Munaasabaddii xarunta xariga looga jarayay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Wasiirka ayaa waxaa uu goobta ka sheegay in xaruntan qiimo weyn u leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo, isagoo mahadcelin u jeediyay dadkii ka shaqeeyay in la dhiso xaruntan.

Ugu dambeyntii, Xarunta ayaa waxaa ay ka kooban tahay hoolal waa weyn oo shirarka looga talagalay iyo jir-dhiska loo dhisay iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here