Dhageyso:Odayaal Xubnihii Ay U Xuleen Koonfur Galbeed Laga Tagay Oo Cabanaya

0
254

Baydhaba-(INO)–Iyada oo 28kii Bishan la dhaariyay 56 xubnood oo ka dhinnaa  Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa soo baxaya tabashooyin ka imanaya Odayaashii geeyay Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed oo kuwii ay soo xuleen kuwo aan ahayn la qaatay.

Malaaq Siidoow Maaddeey  oo ka mid ah Odayaashii xulayay Xildhibaannada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Beeshiisa ay heshay 5 Xildhibaan,isagana uu geeyay laakiin 4 ka mid ah la qaatay halka midka kalena uu sheegay in lagu soo darsaday meel uu ka yimidna uusan aqoon.

Waxaa uu sheegay Malaaq Siidow in Guddiga Odayaasha ah ee ulayay Baarlamaanka ay arrintan ku lug leeyihiin oo ay sameeyeen wax isdaba marin sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in hadda ay qorsheynayaan ka beel ahaan in ay dib isugu laabtaan,oo ay ka fiirsadaan Koofur Galbeed oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan Xulista Xildhibaannada ee Beelaha ka qeybgalaya Koofur Galbeed.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaan la dhaariyay dorraad kana mid ahaa Baarlamaanka Koofur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimada kadib markii sida uu sheegay beeshiisa aysan ka helin koofur Galbeed Saami ku filan.

Waxaa kale oo jira beelo ka gedoodsan Koofur Galbeed oo ku doodaya insaamigii ay xaqa u lahaayeen laga siinin Koofur Galbeed sidaa darteedna ay kalsoonida kala laabanayaan.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here