Dhageyso: Wasaarada Hidaha IyoTacliinta Sare Ee KGS Oo Ka Digtey In Jaamacad Aan Ka Diiwan Gashaneyn Wasaarada Laga Furo Gobolada KGS

0
227

Baydhabo(INO)- Wasaaradda  Hidaha iyo Waxbarashada Tacliinta Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadashey Waxqabadkeeda, Deeq waxbarasho ay ka heshey Dowlado iyo Jaamacaddaha Ku Soo badaneya Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

xasan ibrahim xasan

Wasiirka wasaaradda  Hidaha iyo waxbarashadaTacliinta sare Xasan Ibraahim Xasan ayaa sheegey in Deeq waxbarasho ay heleen Dowladaha, Russia, China, Uk, Masar iyo Dalka Suudaan isagoona xusey in ay direen Ardeyda Deeqada Waxbarashadda ay ku guuleysteen.

“ Mudadii sanadka ahayd ee Aaan jirney Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomey, waxaan deeq waxbarasho ka helney Dhoor dowladood, Ardey tiro badan ayaan direy. Tayadda waxbarashada Degaanada KGS way wanaagsan tahay, dhoor Jaamacadood ayaa Ka furey” ayuu yiri Wasiirka

Sido kale Wasiirka Wasaarada Hidaha iyo Waxbarashada Tacliinta Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay diiday in jaamacadd aan ka diiwaan gashaneyn Wasaaradiisa laga furo Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona ka digey in la garab maro Amaradda Wasaaraddiisa.

“ Dhoor Jaamacadoodba Horey waxay ka furnaayeen Magaalooyinka Baydhabo, Marka iyo Afgooye, Jaamacad aan ka diiwaan gashaneyn Wasaaarada Hidaha iyo Waxbarashadda Tacliinta Sare kama Shaqeyn Karto Degaanada KGS, Waxaan Maalin dhaweyd Aan Maqlaayey Jaamacad kale ayaa Laga furey Baydhabo, Ma Soconeyso” ayuu yiri Wasiir Xasan Ibraahim Xasan.

Si Kastaba ha ahaatee, Dhawaan ayey ahayd ka dib markii Wasaarada Hidaha iyo Waxbarashada Tacliinta Sare Ee Dowlada Federalka Soomaaliya ay sheegtey inay joojisey Diiwan galinta Jaamacadaha Cusub Ee Soomaaliya laga hergalinaayo, iyadoona sheegtey qaar ka mid ah Jaamacadaha Dalka ay iska yihiin Dukaamo.

Ugu dambyntii, Hadalkan Ka Soo yeerey Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Imaanaya Xilli Maalin dhoweyd Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay laga furey  Jaamacad Lamagac Baxdey (BIU), taasoo ay aas aaseen dhalanyaro iyo Aqoon yahno dal iyo dibad wax ka soo barteen isla markaana ku Sugan Baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here