Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Doortay Guddoomiye KMG Ah

0
246

Baydhaba-(INO)-–Kadib markii Shaley la dhameystiray Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed oo ka kooban  145 Xubnood lana dhaariyay 56 Xildhibaan oo harsamnaa ayaa waxaa ay doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah oo isku dubba rida doorashada Guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka Dowalda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamank KGS

Guddoomiyaha sida Kumeel gaarka ah loo doortay ayaa lagu magacaabaa Cabdulle Mursal Xuseen,waxaana uu noqday Qofka ugu da’da weyn Baarlamaanka Dowlada  Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaannada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dhameystirmay tiro ahaan inkasta oo Beel waxa ka degto Gobolka Bakool  ay isaga baxdey KGS ,Dadka ka soo jeeda degaannada Ceelbarde,Aato iyo Yeed,waxaa kale oo sidoo kale jira Wasiirro iska casilay Wasiirnimadii Koofur Galbeed waxaana ka mid ah, Wasiirkii Dalxiiska Cumar dheer iyo Madaxweynaha Maamulka laga dhisay Bakool.

Dowlada  Koofur Galbeed  Soomaaliya ayaa beenisay in ay wax ka jiraan tabashada beelaha waxaana ay sheegtey in ay guddi u saarayso.

Ugu damebyntii, Dhameystirka Baarlamaanka Koofur Galbeed waxaa la gaaray kadib 10 Bilood oo uu jiray is jii jiid dhinaca tirada Baarlamaanka,saamiga beelaha iyo is heysad siyaasadeed kale oo hareeyay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here