Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Taageerey Maamulka Bakool Sare State

0
445

JigJiga( INO)- Madaxweynahada Dowlada Degaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamuud Cumar ( Ina Iley) ayaa Taagyeerey Maamulkii Dhawaan Looga Dhawaaqey Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool, kaasoo la sheegey inuu ka madax Banaan yahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka Arimiso Goboladada Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Cabdi-Maxamuud-Cumar

Cabdi  Maxamuud Cumar Iley, ayaa Qoraal uu soo dhigey Bartiisa Facebook-ga ku Sheegey in sii daaran ay u soo dhaweyneyso Dowladisa Maamulka Bakool sare isagoo sheegey in ay ka wada Shaqeyn Doonaan Sugida Amaanka iyo La Dagaalka Kooxda Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-shabaab.

”  Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Kan Cabinet Ka Kan Deegaanka Iyo Codka Shacabka DDSI  Waxaan Hambalyo Iyo Bogaadin U Soo Jeedinayaa Maamulka Aan Walaalaha Nahay Ee Loo Sameeyay Bakool Sare State Of Somalia.Gobolka Bakool Waa Gobol Aan Leenahay Xuduud Dheer Oo Ay Had Iyo Jeer Ka Hawl Gali Jireen Argagixisadda Alqushaash Oo Ka Abuuri Jiray Qulqulatooyin Naba’diidnimo Oo Soo Noqonoqon Jiray” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar Iley, Madaxweynaha Dowlada DDSI.

” Waxaan Rajeynayaa In Maamulkani Uu Wax Ka Qaban Doono Nabad Waarta Oo Gobolka & Geeska Afrikaba Ku Naaloon Doonto, Kan Madaxweyne Ahaan Waxaan Ballan Qaadayaa Inaanu Garab Istaagi Doono Sidii Caadada Noo Ahayd Dhan Kasta Oo Ay Noqotaba” Ayuu Mar kale yiri Mr. Ina Iley.

Beesha Calaamka,QM, Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub , DF Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Sanad ka hor waxay Heshiis ku gaareen Magaalada Muqdisho, Heshkaasoo  laga soo Dhisey Dowalda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo Ka Koobadan Gobolada Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool isla markaana waxa la isla gartey Cidii ka hortimaado ama isku dayso inay kala goyso ama wax ku darto in loo arki doono Koox Taagyeerta  Xarakadda Al-shabaab  iyo weliba kuwo loo aqoonsan doono in ay yihiin dad  ka soo horjeedo Geeda socodka Nabadda Soomaaliya.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Si cad ugu soo horstey isla markaana waxa Eedeyno dhusha looga tuurey Maamulada Puntlanda iyo Jubba inay ka dambeyaan hurinta colaadeed Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla arkanaa waxa la sheegeyn inay isku bahaysanayaan  Qaab beeleed.

Ciidamo tiro badan Ka Liyuu Police-ka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ah iyo kuwo Jabhadda ONLF ah ayaa si gaar gaar ah  maalin weliba waxay Soo buux dhaafinyaan Degaanada Aato,Yeed, iyo Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool isla markaana sida Dadka Degaanadaasi Wakaalada Wararka Idale News Online Ay u sheegeen in ay siinayaan  tababaro Maleeshiyaad Halkaasi jooga iyo Siinado Militiri, kuwaaso dhawaan laga yaabo in ay la wareegaan Degmada Rabdhuure Ee Gobolka Bakool.

Hadalkan ka soo Yeerey Madaxweynaha Dowalda Degaanka Soomaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ( Inna Iley) ayaa ku soo beegma xillli Dowlada Itoobiya iyo Urur Goboleedka Lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Dhismaha Maamulka Bakool Sare State isla markaana  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u digtey Puntland iyo Jubba, isla markaan Xildhibaano ka tirsan BFS laga mamnuucey Tagista Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii Qalalaase Siyaasadeed  ay ka dhalaliyeen Gobolka Bakool.

Idale News Online, Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here