Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiir Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kullan Ku yeeshey Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullankaas waxa Shir Gudoominayaayey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana diirada Lagu saarey Xasradda siyaasadeed Ee Gobolka Bakool ka taagan ka dib markii Degmada Ceelberde lagaga dhawaaqey Maamulka La Magacbaxey Bakool sare oo la sheegey inuu ka madax banaan yahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Riix Warmutiyeed-KG
Kullanka Gollaha wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa digiin adag looga direy Maamulada Puntland iyo Jubba kuwaasoo lagu eedayey in Gobolka Bakool Colaad Ka Hurinayaan iyagoo isbaheysi qabyaaladeed wado.
Wasiirka warafaafinta iyo wacyi-galinta Bulshadda Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa Ku Eedayey Maamulada Puntland iyo Jubba in aysan dooneynin xasilooni ka dhalata koonfurta Soomaaliya, isla markaan Dagaalkii Gobolka Mudug ay Puntland u soo rareyso Gobolka Bakool.
“ kullanka waxa digiin adag looga direy Xildhibaano, Siyaasiyiin, Maamulada Puntland iyo Jubba oo Qalalaase ka wada Gobolka Bakool, waxaan u sheegeyna in faraha kala baxaan fara galinta Xaduudaha iyo Shacabka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Wasiirka.
Halka Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo