Minneapolis (INO) – Xaflad qaab beeleed loo soo agaasimey isla markaasna ay horboodayeen jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee dalka Mareykanka laguna soo dhoweynaayey safiirka cusub ee Somalia ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad oo heyb dhow la ah madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Taabit oo ah wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu qabtay Hotel Ramada oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Xafladdaan oo loogu magac darey dabaaldega dib u furida safaarada Soomaaliya oo muddo 24 sano xirneyd ayaa abaabulkeeda iyo qaabka iyo sida ay xafladdu u dhacdey laga dheehan karey is-xulafaysi siyaasadeed oo ku dhisan qabiil iyo mid maamul goboleedyo kuwaasoo salka ku haaya dagaalka siyaasadeed ee xiligaan kala guurka 2016.
Beelaha Dirifle & Mirifle oo qaadacey ka qeybgalka xaflada Minneapolis ka dhacdey ayaa sababta ay banaanka isaga taageen ku sheegay in xafladdu aysan aheyn xaflad qaran balse ahayd isbaheysi si gaar ah ugu adeegaayay koox qabiileed dano gaar ka lahaa xafladda. Waxay sidoo kale sheegeen in xafladaani ay timid ka dib xiriir hoose oo beryahan u socday beelaha Daarood kuwaasoo ay ku doonaayaan in ay fursadaan uga faa’ideysataan inay dowlada Washington uga helaan taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxaana Safiirka iyo Maamulada Puntland & Jubbaland ugu heshiiyeen wada shaqeyn dhow si hadafka siyaasadeed ee maamuladaasi laga hormariya danta qaranka ee safiirku u yimid dalka.
Maamulada Jubbaland & Puntland ayaa iyagu ah 2da maamul ee sida gaarka ah u doonaaya in meesha laga saaro awoodda jiritaanka maamul adag oo ay yeeshaan dadka iyo deegaanaada Digil & Mirifle ee Koonfur Galbeed Somalia, taasoo soo bilaabatey xiligii dowladii Carte ayna ugu dambeysey duulaankii ugu dambeeyey ee Bakool oo degmada Ceelbarde ay uga dhawaaqeen maamul gooni ah halka aqoonsiga Puntland uu ahaa cadeyn ku aadan isir naceybka ay beelaha Digil & Mirifle u qabaan.
Ugu dambeyntii, Waxay beelaha Digil iyo Mirifle iyo guud ahaan jaaliyada ku abtirsada Koonfur Galbeed ee ku nool North America ugu digeen Safiirka Somalia ee Mareykanka Axmed ciise Cawad in xilka qaran ee loo ikmadey u guto si waafaqsan sharuucda dalka. Waxay dowlada ugu baaqeen in ay wax si degdeg ah wax uga qabato kala qeybinta jaaliyada Soomaalida ee dalka Mareykanka ee Safaaradu la timid gobolka, haddiisa aan wax laga qaban shaqo xumida soo waajahday safaaradda Somalia ku leedahay Washington in waxa laga dhaxli doono ay safaaraddu wakhti aan fogeyn albaabadu loo laabo iyadoo hab sharci ah jaaliyadu u mareyso.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online