Ceelberde(INO)- Wararka laga heleyo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xubno Dowlada Soomaaliya ka tirsan ay halkaasi ka wadaan qaban qaabada dhismaha maamul ka dhan ah Dowlada Koonfur Galbeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xubnaha Dowlada ee ku kacsan shariif Xasan oo u badan Xildhibaano waxaa ka mid ah Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) waxayna socdaal ku tageeb Degmada Ceel Barde iyo Tuulooyinka Caato, iyo Yeed.
Xildhibaanka iyo xubnaha kale ee la socday waxay deegaanadaasi ka wadaan shirar ay la leeyihiin waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan goobahaasi si ay u dejiyaan naqshadii lagu dhisi lahaa maamulka cusub.
Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo warbaahinta la hadlayay ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada Koonfur Galbeed ay ka waayeen xaqooda sidaas daraadeedna ay dhisanayaann maamul deegaanadaasi u gaar ah.
Sanyare wuxuu sidoo kale sheegay inay meel fiicana u marayso qorshaha ay maamulka ku dhisayaan degmooyin iyo tuulooyin Bakool ka tirsan.
“degmada Ceelbarde yaan ku qabaneynaa shirka aan rabno inaan maamul gaar ah ku dhisno”ayuu Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare)
Si kastaba Sanyare wuxuu xusay in maamulkoodu hoos tagi doono Dowlada Faderaalka Soomaaliya balse ay ka madax banaan yihiin Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya inkastoo uusan sheegin magaca maamulkooda cusub ay u bixin doonaan.
Idale News Online, Ceelberde