Baydhabo(INO) Wasiirkii Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur joogta Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya opo lagu magacaabo Cumar dheere ayaa waxaa uu sheegay in shalay uu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cumar dheere waxaa uu is casilaaddiisa sabab uga dhigay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan daacad ka ahayn Dowlada koonfur Galbeed iyo sida ay beeluhu u qeybsanayaan Dowlada KGS.
Waxaa uu sheegay in Shariif Xasan uu kaliya kaashanayo kalana tashanayo maamulka Koonfur Galbeed beesha uu ka soo jeedo ku xaqiray beelaha kale.
Waxaa uu intaa ku daray Cumar dheere in Dastuurka KMG ah ee Federaalka uu siinayo in ay sameyntaan maamul gaar ah ama ay ku biiraan mid kale.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online