Daawo: Tababar Kor Looga Qaadaayo Aqoonta Iyo Xirfadda Wariyaasha Oo Ka Furmey Magaalada Baydhabo

0
222

Baydhabo(INO)- Waxa  maanta magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Tababar Ugu farmey Wariyaal Ka Hawlgala Radio Warsan iyo Radio Baydhabo isla markaana  tababar  ku saabsan tebinta wararka arrimaha bani’aadannimada uga furay 12 weriye oo ka kala socda idaacadaha magaaladaas iyo wasaaradda warfaafinta ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Tababarka oo socon doona 22ka ilaa 26ka bishan ayaa weriyeyaasha waxay ku baran doonaan ururinta, qorista iyo tebinta wararka, xirfadda barnaamij u soo-saarista raadiyaha, anshaxa warfaafinta iyo war ka tebinta isku-dhacyada iyadoo loo wajahayo si hufan oo laga eegay ku lug lahaanshaha dheddigga iyo laboodka.

Tifaftiraha Radio Ergo, Muxidiin Axmed Rooble oo ka hadlay tababarka ayaa sheegay in aanay idaacaddu horay tababar ugu qaban magaalada Baydhabo oo ka mid ah magaalooyinka wararka ugu badan ee arrimaha bani’aadannimada aan ka tebinno.

“Meelo badan oo gobolka Bay ah waxaa ka jira xaalado bani’aadannimo, Waxaa ku nool dad badan oo soo barakacay, Deegaanno go’doonsan ayaa jira, colaaduhuna way ku soo noqnoqdeensidaas daraadeed tababarkan aad buu muhiim ugu yahay weriyeyaasha gobolka si ay wararka dadka dhibaateysan u gaarsiiyaan bulshada.” Ayuu yiri Tafatiraha Radio Ergo.

Tababar uga Furmay Weriyeyaasha Gobalka Baay ayaa maanta magaalada Baydhabo tababar ku saabsan tebinta wararka arrimaha bani’aadannimada uga furay 12 weriye oo ka kala socda idaacadaha magaaladaas iyo wasaaradda warfaafinta ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Tababarka oo socon doono  mudo 5 Moolmood ah ayaa weriyeyaasha waxay ku baran doonaan ururinta, qorista iyo tebinta wararka, xirfadda barnaamij u soo-saarista raadiyaha, anshaxa warfaafinta iyo war ka tebinta isku-dhacyada iyadoo loo wajahayo si hufan oo laga eegay ku lug lahaanshaha dheddigga iyo laboodka.

Wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Cabdi Maxamed oo furay tababarka ayaa Raadiyssha ka howlgala goballada koonfur Galbeed soomaaliya gaar ahaan Gobalka Bay, uga mahadceliyay fursadda ay siyeen weriyeyaasha deegaanka oo uu xusay inay baahi weyn u qabeen tababarro sidaan oo kale ah.

Wuxuu idaacadaha Baydhabo kula taliyay inay xoogga saaraan wararka bani’aadannimada oo ay ku daydaan Raadiyaashakela. Wuxuu u soo jeediyay inay kordhiyaan idii ka dabaysay fakarkaan quruxdabada,

Wasiir ku-xigeenka haweenka iyo xuquuqul Insaanka Koonfur galbeed, Binti Ibraahim Cali ayaa gabdhaha ka qeybgalaya tababarka ku dhiirrigelisay inay ka dhex muuqdaan warbaahinta magaalada Baydhabo oo ay xustay inay aad ugu yar yihiin. Waxay ku talisay in tababarro gaar ah loo qabto gabdhaha si ay u sheegaan wararka la xiriira dhibaatooyin ay sheegtay inay si joogto ah ula kulmaan dumarka oo ay ku jiraan dilal iyo kufsi.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in shacabka ay wararka siyaasadda uga baahi badan yihiin kuwa la xiriira noloshooda, sida barakaca, musiibooyinka, cunto-yarida iyo dhibaatooyinka deegaanka ee saameynta ku yeesha beeraha iyo xoolaha.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here