Dowladda Jabuuti oo sheegtay in 7 ruux ku dhinteen shaqaaqadii maalin ka hor

0
212

Jabuuti(INO)— Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in 7 ruux ku dhinteen shaqaaqadii ka dhacday goob lagu xusayay xaflada mowliidka ee dhalashada Nabi Muxamed NNKH, iyadoo dowladdu ku eedeysay in dabley hubeysan ay soo weerareen Ciidamada ammaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhacdadan ka dhacday degmada Buldhuqo ee ka tirsan Caasimada Jabuuti, waxaana uu tilmaamay in dadkii isugu soo baxay xuska ay labo ka mid ah wateen qoryo, qaar mindiyo watay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in todobada qof ee ku dhimatay shaqaaqada ay mid ka mid ah ay aheyd gabar yar, isla markaana ay jiraan illaa kontan askari boolis ah oo ku dhaawacmay rabshada,

Waxaa uu ku eedeeyay in isu soo baxaas ay ku soo dhex dhunteen dad argagixiso ah iyo kooxo kale oo hadafyo kale watay, waxaana uu been abuur ku tilmaamay in dadka dhintay ay ahaayeen 19 ruux, isla markaana ay tahay wax ay ka bad badinayaan mucaaradka.

“Dad argagixiso ayaa ku soo dhex dhuuntay oo hubeysnaa, iyo dad kale oo mindiyo watay, rasaastana dhexdooda ka dhacday, waxaa dhaawacantay 50 askari boolis ah, dhimashada waa 7 qof”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Kooxaha mucaaradka iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan 19 ruux ku dhinteen shaqaaqadaas, iyadoo la sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen goobta ay ka socotay xuska.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in warbaahinta ay si aad ah u buun buuniyeen, waxaana uu xusay in aysan marnaba ogolaan doonin fowdo iyo qas la gelin dalka.

“Dowladdu dadka oo dhan bey dowlad u tahay, ma rabno in dalka fowdo iyo qas la geliyo, wixii xalay magaalada ka dhacay in mar labaad aysan dhicin, intii dhimatay iyo intii dhaawacantay alle ha shaafiyo”ayuu yiri Madaxweynaha

Jabuuti oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay dhalashada Nabi Muxamed NNKH.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Jabuuti oo ah dal yar ayaa ah dal nabadgelyadiisa aad loo ilaaliyo, inkastoo kooxaha mucaaradka ay dowladda ku eedeeyaan xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka iyo xoriyatul qowlka.

Idale News Online, Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here