Faah faahino kasoo baxaya Qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
228

Muqdisho(INO)-Qaraxani oo Abaaro Barqanimadii Maanta ka dhacay  wadada Makka Al Mukarrama gaar ahaan nawaaxiga ISgoyska Debka ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa miino lagu soo xiray gaari yar oo nuuca raaxada ah.

Gaariga ayaa waxaa watay Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi Jiray Cabdullaahi Max’ed  Gardhuub.

Waxyar kadib markii qaraxu dhacay ayaa waxaa meesha wax ka dhaceen warbaahinta  kula hadlay Col Max’ed Daahir Cabdulle oo ah Taliyaha Qeybta Waliyow Cade ee Boliiska Soomaaliyeed kaas oo ku eedeeyay qaraxa in ay geysteen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab ayaa horay looga bartay in ay la bartilmaamsadaan Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda Federaalka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here