Muqdisho(INO) — Hal qof oo ahaa darawalkii gaariga watay ayaa ku dhaawacmay Qarax Gaari lagu soo xiray oo maanta ka dhacay Agagaarka Isgoyska Dabka oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo noociisu ahaa Toyoto Carrib ayaa waxaa ku mar qura qarxay walax la sheegay inay ahayd waxyaabaha Qarxa oo horay loogu soo xiray gaariga, iyadoo markiiba waddada ay xireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.
“Mar qura ayaa waxaa qarxay gaari ka mid ah kuwii waddada marayay, darwalkii gaariga watay ayuuna dhaawac kasoo gaaray. Runtii aad ayaan u naxay markii aan qaraxa maqlay, waayo markaas ayaana waddada soo istaagay si aan gaari u raaco,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, gaariga ayaa waxaa gaaray burbur xooggan, waxaana darawalkii uu dhaawucu soo gaaray loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo gaarigiina isla markiiiba goobta laga qaaday.
Waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa dib loo furay saacad kaddib, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudaheed ah.
Hay’adaha ammaanka dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ee lagu dhaawacay dawalkii gaariga watay, iyadoo dhanka kalena aysan jirin cid sheegatay iyo sababa loo beegsaday qofkan oo aan la ogeyn wuxuu ahaa.
Ugu dambeyn, magaalada Muqdisho oo qaraxyadu ay ku yaraadeen ayaa waxay mar kale u muuqataa inay qaraxyadu dib ugu soo laabanayaan, xilli guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu sheegeen dhawaan inay xoojinayaan amniga caasimada.
Idale News Online, Muqdisho