Tiyeeglow(INO)–Qiimaha Maciishadda Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa sare u kacay sida uu sheegayo Guddoomiyaha Degmadaasi Max’ed Cabdullahi Food-Cadde,oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Dalka.
Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in Kiishka Bariiska ah uu ka marayo Tiyeegloow 800,000 (sideed boqol oo kun) oo Shilin Soomaaliya ah,waxaana uu intaa ku daray in markii hore lagu iibin jirey 600,000 (Lix Boqol oo kun) oo Shilin Soomaali ah.
Guddoomiye Food-cadde waxaa uu sheegay in sababta sare u kaca keentay ay tahay in wali ay go’doon tahay degmada oo Al-shabaab ay godoomiyeen ayna adag tahay in uu soo galo Raashinka.
Waxaa uu intaa ku daray in amniga magaalada uu hadda xasilloon yahay Ciidamada Dowladdana ay joogaan laakiin Waddooyinka soo gala ayuu sheegay in ay Al-shabaab go’doomiyeen.
Ugu dambeyntii, Degmooyinka Gobolka Bakool ayaa intooda badan waxaa ay la kulmeen go’doomin kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka saareen Xarakada Al-shabaab oo ka talin jirtay,waxaan ay taasi keentay in Al-shabaab ay go’doomiyaan degmooyinka qaar iyaga oo ka mamnuucay in uu galo raashinka iyo wixii la mid ah.
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo