Washinton(INO)— Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa difaacay tallaabadii Turkiga ay ku soo riday diyaaradii Ruushka laga lahaa, iyadoo laga cabsi qabo in xiriirka labadaas dal uu xumaado.
Obama ayaa sheegay in Turkiga uu xaq u leeyahay inuu difaacdo hawadiisa iyo dhulkiisa, waxaana uu xusay in taasi qeyb ka tahay madax banaanidooda.
Madaxweyne Obama iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa qadka taleefanka ku wada hadlay, waxaana Obama uu xusay inay muhiim tahay in xiisada la dejiyo, isla markaana la helo warbixin rasmi ah oo ku aadan sida wax u dhaceen.
Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa isna dhankiisa difaacay tallaabada ay ku soo rideen diyaarada ruushka, waxaana uu tilmaamay inay ku soo xadgudbeen dhulkooda.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa walaac ka muujiyay diyaarada laga soo riday Ruushka, waxaana uu ku baaqay in xaalada la qaboojiyo.
Sidoo kale Gaashaanbuurta NATO ayaa ugu baaqday Turkiga iyo Ruushka inay xaalada dejiyaan, iyadoo si dhow NATO ula socoto dhaq dhaqaaqyada socda.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta diyaaradooda la soo riday, waxaana uu tilmaamay inay dhabar jebin aheyd diyaaradooda la soo riday.
Idale News Online, Washington