Dhageyso:Baarlamaanka DFS oo Maanta Ka Doodaya Qaraar Laga Keenay Xadka U Dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

0
186

Muqdisho(INO)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wada hadal gaar ah ka yeelan doona qaraar laga soo diyaariyey talaabada ay dawladda Kenya ka wado xadka u dhaxeeya labada dal, waxaana arrimaha sida weyn looga hadlayo kamid ah dhageysiga Warbixin ay soo diyaariyeen guddigii halkaas booqdey oo uu hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Habdhawraha Nidaamka baarlamaanka ayaa sheegay in Arbacada maanta ah dood laga yeelan doona amuurtan, lana filayo in ay go’aan ka soo saaraan Mudanayaasha baarlamaanka.

Guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqdey deegaanada la sheegay in lagu soo xadgudbay waxa ayna beeniyeen in ay jiraan darbi la dhisey, iyagoo sheegay in ay arkaan aag la Calaamadiyey una muuqday meel dhisme laga sameyn doono.

Siyaasiinta Soomaalida qaarkood iyo baarlamaanka ayaa horey ugu deg degay wararka sheegaya in ay Kenya ku soo xadgudubtay xaduuda Soomaaliya, taas oo noqotay mid aan waxba ka jirin, inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in meelaha qaarkood ay Kenya gudaha u soo gashay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here