Wasaaradda Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Bilaabeyso Qaadista Canshuurta

0
285

Baydhabo(INO)-Wasaaradda Maaliyada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soonaaliya ayaa sheegtey in ay bilaabayso dabayaaqada bishan Qaadista Canshuurta Guud ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxayna fariin adag u dirtey Ganacsatada Koonfur Galbeed Soomaaliya inay Bixiyaan Waajibaadka laga rabo.

lugbuur

Wasiirka wasaaradda Maaliyada ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Ibraahim Lugbuur oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtey Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa tilmaamey in wasaaradiisu si toos ah ay gudi galeyso Qaadista Canshuurta, waxana  uu sheegey in dhamaan Ganacsatadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay isu diyaariyaan Dhmaadka Bishan inay Dhiibaan Canshuurta ku waajibsan.

“ Wasaaaradda Maaliyada waxay bilaabeysa Dhamaadka Bishan Qaadista Canshuurta Guud ee KG Soomaaliya, Waxaan u sheegeya Ganacsatada inay Bixiyaan Waajibka laga rabo, waxaan dooneyna in aynu ku sugno amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan Mushahaar ugu dhigeyna Ciidamada Dowlada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Sheekh Ibraahim Lugbuur.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Xusey inay jiraan Dad loo tababarey Wasaaradda Kuwaasoo si habsami leh u qaadi doono Canshuurta Dowlada, isla markaana waxa uu sheegey in horey kaliye canshuur ay ka qaadayeen Gawaaridda Xamuulka ah iyo Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

“ Wasaaradda waxay canshuur ka qaadi jirtey Baabuurta Xamuulka Ah iyo Garoonka Diyaaradaha Ee Baydhabo, Canshuurtan waxay naga caawin doonta, Mushahaarka Shaqaalaha Dowlada  Koonfur Galbeed, Dhismaha Wadooyinka burbursan iyo Sugida Amaanka Koonfur Galbeed, Sidii Dowladii dhexe ay u duntey Canshuur Toos ah lagama qaadin Ganacsatada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan soo saarey amar ah in La bixiyo Canshuurta Dhamaadka Bishan” ayuu yiri wasiirka Maaliyada KG Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan wasiirka Ayaa ku Soo beegmaya Xilli Dowlada Koonfur Galbeeed Soomaaliya ee Sanad jirsatey ay la daala dhaceyso dhaqaalle La’aan iyo Habacsamaan dhanka maamulka ah isla markaana waxa Gaabis ah Maareynta Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxa Heer Gebo Gebo ah maraya  Bangiga dhexe Ee Magaalada Baydhbo oo u dib u dhis ballaaran lagu sameeyey  kaaso lagu keydin doono Dhaqaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana Wasiirku waxa  uu ugu Baaqey Ganacstada Guud  inay dhiibaan Canshuurta, Ciida ay bixin Weysona lala tiigsan doono sharciga Dowliga ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here