Aqriso: Gollaha Badbaada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Warqad U Direy Maaamulka Puntland

0
321

PUNTLAND:- Ku: Dr. Abdiweli Ali Gaas, Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland

OG: Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed, Soomaaliya

 Ujeedo: Codsi Baaris Faldamibiyeed Dil

Anagoo ah Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku midoobeen aqoonyahano ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa na soo gaarayo warbixino ku saabsan in dhibaatooyin loo geeysanaayo qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo geeda Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo si kala duwan ugu nool dhulka ay maamusho dowlad goboleedka Puntland Soomaaliya.

Logo-Golaha

Waxaa si gaar ah aan u helnay warbixin ku saabsan dhacdadii ama falkii dilka ahaa ee ugu dambeeyay ee maalintii Jimcihii 20 November 2015 lagu dilay magaalada garoowe ee xarunta Puntland marxuum Maxamed Manuur Aadan, oo dadiisu aheyd 26 jir oo ahaa ganacsade ka xoogsada magaalada Garoowe ee puntland, kuna sugnaa Puntland muddo todobo sano ah. Kadib markii nin ka tirsan ciidanka Puntland ay ku murmeen arin ku saabsan wax kala gadasho ama iibsash taas oo sababtay in marxum Maxamed Manuur Aadan uu ku waayay nafsadiisa ka dib markii xabbad uga dhacday wadnaha.

Waxaa kaloo na soo gaartay in Shalay 22 November 2015, in dhalinyaro ka soo jeeday Koonfur Galbeed oo ku sugan Garoowe oo isku dayay in arintaas ay cabosho ka suubiyaan in dhalinyaradaas iyagana dhibaato loo geestay oo qaar ka mid ah la jir dilay waa sida warbixinta ay nagu soo gaartay. Warbixinada na soo gaaray ayaa waxaa ay noo sheegeen in ganacsatadii koonfur galbeed ee arintaas cabasho ka muujiyay in xarumaheeda ganacsiga laga xiray, oo laga hor istaagay inay goobahooda ganacsi ay furtaan. Waxaa kaloo jirta warbixino sheegaya in dhacdooyin kale oo dilal iyo dhac loo geesytay dad aan waxbo galabsan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo aan sharciga la horkeenin ama wax laga qabanin dadkii geeystay falalkaas dambiga ah.

Sidaa owgeed waxaan maamulka Puntlan ka codsanaynaa in arintaas soo noqnoqotay ay baaris ku sameeyaan, lana ilaaliyo xaquuqda iyo baddaadinta dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaana kaloo ka codsnaynaa maamulka puntland in sharciga la soo taago dambiilhii ka dambeeyey dhibaatadii dilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Garoowe 20 November 2016. Waxaan kaloo ka codsanaynaa maamulka in dadkii kale ee cabashad muujiyay in arintooda baaritaan lagu sameeyo dhibkii loo geystayna wax laga qabto.

Tan kale, waxaan u mahad celineynaa walaalaha Somaaliyeed ee Puntland iyo maamulkooda nabadda iyo maamul wanaaga ay ku dhexnool yihiin, taaso kaliftay in dad badan oo ka soo jeeda deegaanda Koonfur galbeed oo ay u soo doontaan amaan, nabadgalyo iyo welliba nolo tan iyo dagaaladii sokeeye ee ka dilaacay dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo xasuusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay caado iyo dhaqan u leehaayihiin, daris wanaan, ixtiraan, iyo wadanolaasho taas waxaa daliil uu ah in dad tiro badan oo reer Puntland ay ku soo barbareen gobolada Koonfur galbeed, isla markaasna in dadkaas aan weligood dhibaato muuqato loo geysan. Weliba dadka ka soo jeeda Puntland loo muujiyay in ay ka tirsanyihiin Bulshada koonfur galbeed ayna ugu nool yihiin si nabad ah oo aan laheen wax wel wel ah.

Intaas waxaa dheer, in Golaha Koonfur Galbeed Somaaliya, oo la aas aasay dhawaan, waxuu diyaar u yahay inay ay ka qeybqaataan xoojinta nabbadda iyo ka dhex abuuridda bulshada Soomaalida iyo isfaham dhex mara maamulada iyo shacabka si loo xoojiyo nabad kuwadanoolasha iyo ilaalinta xaqqa qof kasto uu u leeyahay inuu ku noolaado nabad lana badbaadiyo naftiisa iyo hantidiisa.

Ugu dambeyntii, waxaana rajeynaya in caddaaladda la oo soo taagi doon dadkii ka dambeey fal dambiyeedka loo geestay maxuun Maxamed Manuur Aden oo ka soo jeeday koonfur galbeed Soomaaliya ee loogu geestay Garoowe, Puntland. Waxaan kaloo filaynaa in Dowlad Goboleedka Puntland iyo maamulada hoosyimaada in ay ku dadaali doonaan ilaalinta nabadgalyada dadka ka soo jeeda koonfur galbeed, ee walaalahooda ah.

Mahadsanidiin.

Abdulkadir Abukar Sheikh
Gudoomiyaha Golaha Badbaadada K/Galbeed Somalia
Southwest Salvation Council (SSC)

E-mail: southwestsalvation@gmail.com
Kala xiriir: Tel. 00252-615559518, 00252-61999512, 0046-769204761.

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here