Marka ( INO)-Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay iyadoo soo xiganeysa Sarkaal Booliska Soomaaliya ka tirsan oo lagu Magacaabo Major Cabdiqaadir in weerar duqeyn ee diyaarad Drone- ah ay ka fulisay Shabeelaha Hoose dadka ku dhintay uu ku jiray Guddoomiyihii Al Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Reuters ma carabaabin Guddoomiyaha Al Shabaab ee Shabeelaha Hoose hayeeshee horay waxaa Al Shabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Max’ed Abuu Cabdalla.
Sida ay ka soo xigataya Wakaaladda Wararka ee Reuters Sarkaalkaas ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmada Wanlawaweyn Guddoomiyihii Al Shabaab ee Shabeelaha Hoose ayaa isaga 8 kale oo Saraakiil Al Shabaab ah in ay ku geeriyoodeen weerarka oo ka dhacay deegaanka Baladul Amiin ee Gobolkaasi.
Ma jiro weli wax war rasmi ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen duqeymaha ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ee la sheegay in Saraakiisha looga dilay.
Idale News Online, Marka