Dhageyso:Dhinacyadii ku Dagaalamay G/kacyo Oo Isku kala eedeeyay Masuuliyada Dagaalka

0
214

Muqdisho(INO)-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa saaka ka qarxay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dagaalka uu hada xoogiisa ka socdo koontaroolka dhinaca koofureed ee Puntland.

Dagaal

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa markii hore ka bilowday saldhiga dhexe ee Galkacyo, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dhabta ah ee uu dagaalku ku bilowday.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in xuduuda ay wadaagaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo oo ay joogeen Ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku qaadeen Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Maamulka Galmudug, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen Ciidamada Booliska Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa Puntland ku eedeeyay Dagaalkii Ka dhacay Magaalada Gal-kacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Mamaulka Gal-Mudug C/rashiid Xaashi Cartan Ayaa u sheegy SBC in Ciidamada Puntland sida uu hadalka u dhigay ay weerar ku soo qaadeen Dhanka Koonfurta Magaalada Gal-kacyo.
Codka Gudoomiyaga Gal-mudug
Dhanka kale Maamulka Gobolka Mudug Ee Puntland ayaa Arintaasi Beeniyay Axmed Muuse Nuur Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Puntland Ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Ayaa SBC u sheegay in Ciidankooodu aanay weerar ku qaadin Koonfurta Gal-kacyo hase ahaatee Ay wadeen howlo bilic soo cilin ah Maamulka Gal-Mudugna ay Arintaasi ka hor yimaadeen oo ay Xabad ku bilaabeen.
Dagaal Ay ku dhinteen Dad Kabadan 10 Ruux ayaa ka dhacay Magaalada Gal-kacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug oo isku heeysta Wado halkaasi laga dhisayo.
Xaaladda ayaana ah hadda mid ka duwan sidii saaka iyadoo Meelo Kooban Oo Kamid ah goobihii dagaalku ka dhaceenna ay la wareegeen Ciidamadda Galmudug oo Garabsanaya Maleeshiyo is Abaabushay oo shacab ah, Walow ay Puntland arintaasi Beeninayso.
La soco faah faahin kale insha allah
Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here