Baydhabo(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa balan qaaday in ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed ay ka taagerayaan dhanka agabyada kala duwan ee ciidamada ay u baahan yihiin.
Sharmaake wuxuu sheegay hadii ay yihiin Madaxda Dowladda Federalka Somaliya mar waliba ay muujinayaan tageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka.
Wuxuu sheegay si loo dhiso mooraalka ciidanka madaxda mar waliba looga baahan yahay inay muujiyaan garab istaaga ciidanka ay u hayaan.
“Waxaan balan qaadayaa waxyaabaha ciidanka ay u baahan yihiin inaan u keeno anigoo ku hadlaya afka Xukuumadda, gaadiidka iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin ciidanka.” Ayuu yiri Sharmaake.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo uu kaga qaybgalay munaasabad tababar ciidan loogu soo xiraayay.
Ugu dambeyntii, Ciidanka Dowlada Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarinaya qaadista guluf colaadeed oo ka dhan ah Ururka Shabaab.
Idale News Online, Baydhabo