Daawo: Madaxweynaha DFS oo ka hadlay Qorshayaasha dawladdiisa ee Wada tashiyada La xariira Hiigsiga 2016-ka

0
195

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay halka ay marayaan shirarka wadatashiyada heer Qaran ee looga hadlayo hiigsiga 2016-ka.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka wadatashigaa ah la balaariyay islamarkaana gobollada dalka dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirarkaasi, iyadoo afkaartooda ay ka dhiibanayeen bulshada ku nool gobollada ay ka arrimiyaan maamul goboleedyada.

“Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-ki bisha dalka meel kastoo ka mid ah loo safray loo wada dhaqaaqay deegaanadaasi dadka deggan iyo gudiyadi halkan laga diray iney si wada hir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oon rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigaasi uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda wada hadalkaasi uu yahay un dadka Soomaaliyeed loo bandhigo waxa la doonayo iyo sida ay u arkaan sida looga gudbi karo marxaladan.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan la qaban doono shirweyne heer Qaran ah oo lagu falanqeynayo afkaarta laga Soo uruuriyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Soomaaliya gaar ahaan shirarkii kala duwanaa ee lagu qabtay dibadda iyo dalka iyo halka la hiigsanayo.

Wuxuu tilmaamay in go’aan ka gaarista talada dalka ay lahaan doonaan ummadda Soomaaliyeed wixii ka dambeeya sanadka 2016-ka

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay fikir uruurinta laga sameeyay guud ahaan dalka oo dhan.

Halkan Ka Daawo


Idale News Online, Warqabadka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here