Maalta (INO)—Magaalada Faleeta ee Jaziiradda Malta waxaa ka furmay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa qaaradda Africa iyadoo shirkaasi diiradda lagu saarayo sidii dhaqaale iyo gargaar loogu fidin lahaa qaaradda si loo yareeyo qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda si ay usoo gaaraan Yurub.
Madaxda kulankaasi ka qaybgalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaana kulankaasi sidoo kale looga hadlay amaanka Qaarada.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay baahid loo qabo in xal laga gaaro sidii loo yareyn lahaa qulqulka muhaajiriinta maadaama Boqolaal Ruux ay notooda ku waayeen Biyaha Madeteeriyaanka.
Kulankaasi intii uu socday ayaa 2 bilyan oo Gini waxaa loogu yaboohay Qaarada Afrika si loogu sameeyo Mashaariic Maalgelineed.
Ugu dambeyn, Ujeedada dhaqaalahaas ayaa ah in lagula dagaallamo dhaqaale xumada iyo arrimaha amniga ee sababaya in dadka ay tahriibaan.
Idale News Online, Malta