Dowladda Mareykanka oo Ciidamo Milateri u Dirayso Dalka Cameroon

0
203

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalka Cameroon u dirayo ciidamo milateri, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya ka hortagida kooxda Boko Haram oo dhaq dhaqaaqeeda ku xoojisay dalalka galbeedka Afrika.

Ciidamadan ayaa ka qeyb qaadan doona la socodka dhaq dhaqaaqa hawada ee Boko Haram iyo sidii ay ciidamada Cameroon uga taageeri lahaayeen dagaalka kooxdaas.

Ciidamadan Milateriga ayaa tababaro siinaya Ciidamada Cameroon, waxaana ay kala qeyb qaadan doonaan howl galo gaar ah.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Cameroon ay marti qaaday ciidamada, waxaana qeyb ka tahay dadaalo caalami ah oo looga hortagayo fididista Kooxda Boko Haram.

Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa isha ku hayay dhaq dhaqaaqa Boko Haram ka waday galbeedka Afrika, kadib markii weeraro dheeraad ah ay ka fulisay dalalka Niger, Chad, Cameroon iyo Nigeria oo saldhig u ah

Ururka Boko Haram ayaa bilo ka hor ku biiray Kooxda Daacish ee fadhigooda yahay Ciraaq iyo Suuriya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here